Manchester United oo kula tartami doonta Kooxda Bayern Munich saxiixa xiddig ka tirsan Real Madrid

0
40

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay miisaameyso inay xagaaga u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Toni Kroos.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa qandaraaska uu kula jiro Real Madrid waxa uu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedka 2023-ka, xiddigan ayaa uga soo biiray Real Madrid kooxda Bayern Munich sanadkii 2014-kii, waxaana uu u saftay kooxda reer Spain 266 kulan tan iyo wakhtigaas.

Majaladda Diario Madridista ayaa fahamsan in xiddigan in Kroos uusan ku faraxsanayn natiijooyinka xun xun ee soo gaaraya kooxdiisa kulamadii ugu dambeeyay horyaalka iyo kulankii Champions League ee ay khasaaraha kala kulmeen Man City, wuxuuna diyaarinaya si uu ugu bixi lahaa albaabka garoonka Bernabeu.

Iyadoo aan la hubin mustaqbalkiisa Paul Pogba, Man United ayaa lagu soo waramayaa inay tixgalineyso fursado badan oo khadka dhexe ah oo ay ku badaleyso ninka reer France haddii uu xagaagan ka tago garoonka Old Trafford.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here