Arsenal Mise Tottenham? koox reer London ah oo dalab cajiib ah miiska u saartay Willian

0
37

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kooxda Tottenham ayaa lagu soo waramayaa in ay sida ugu deg-dega badan u doonayso in ay kula soo saxiixato xiddiga kooxda chelsea ee Willian xilli uu xiddiga reer Brazil doonayo in uu isaga tago Stamford Bridge dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa doonaya in uu kooxdiisa ku soo daro Willian kadib markii ay horay uga soo wada shaqeeyeen Chelsea.

Heshiiska Willian ee chelsea ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana jira kooxo dhawr ah oo doonaya saxiixa xiddiga reer Brazil.

Wargayska Football Insider ayaa sheegaya in uu madaxweynaha Kooxda Tottenham diyaar u yahay in uu la soo saxiixdo xiddiga Willian dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Willian ayaa lagu soo waramayaa in uu noqon doono saxiixa ugu horeeya ee kooxda Tottenham dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo ay Spurs ka caawinayso saxiixa xiddiga xidhiidhka fiican ee uu la leeyahay tababaraha Kooxda ee Jose Mourinho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here