Kooxda Elman oo abaal-marisay xiddigaha bishii Febraayo

0
40

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Elman ayaa ah kooxda kaliya dhiiri-galiso xiddigaheeda, iyado bil walba abaal-marin bixiso taas oo ah xiddiga ugu wanaagsan bisha iyo goolka ugu quruxda badan, waxaana codeeya taageeraysaha kuwaas oo ku codeeya dhanka baraha xiriirka bulshada ee Social Media oo ay kooxdu leedahay, sida Facebooka iyo Twitter-ka.

Naadiga Elman ayaa sanadkan bandhig cajiib ah ku jirta, iyado horyaalka kaga jirta booska 3-aad, waxayna leedahay 22-dhibcood oo horyaalka ah.

Abaal-marintan xiddiga ugu wanaagsan bisha iyo goolka ugu quruxda badan bishii la soo dhaafay waxaa ku guuleystay xiddigaha kala ah Anwar Shakunda oo hantay goolka ugu fiican iyo Jamaal oo gacanta ku dhigay laacibka Bisha, balse bishan nasiib ma aysan u yeelan inay ku guuleystaan labadan xidig.

Bishii tagtay ee Febraayo ayaa waxay taageerayasha Elman ay u doorteen laacibka bisha xiddiga reer Ghana ee Issa Ajiika kaas oo bandhig cajiib ah sameyay bishaas, taasoo uu ku muteestay inuu ku guuleysto abaal-marinta quruxda badan.

Kaddib markii uu ku guuleystay wuxuu ka hadlay dareenkiisa kaga aaddan abaal-marinta wuxuuna yiri: “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku guuleysto abaal-marintan markii iigu horreysay, waxaan raba inaan u mahadceliyo dhammaan taageerasha Kooxda Elman, Maamulka iyo Ciyaartoyda kuwaas oo mar walba garab taagan guulaha kooxda.

Sidoo kale goolka ugu fiican bishii Febraayo waxaa ku guuleystay ciyaaryahanka lagu magacaabo Cabdifitaax Cabdishakuur Awoow, kaas oo gool qurux badan ka dhaliyay naadiga cawo iyo maalin ee Horseed.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Elman kulan soo aaddan waxay la dheeli doonta naadiga Mogadishu City Club, kulanka loo magac bixiyay Derby Capital ama ciyaarta caasimadda, kulankaasoo  dhici doonta 20-ka bishaan oo ku beegan maalin Jimce ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here