Lionel Messi oo warbixin ka soo saaray Coronavirus kadib markii la Joojiyay tababarka Barcelona & Horyaalka La Liga

0
43

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa sheegay “caafimaadku in uu wax walba ka horeeyo” xilli uu warbixin soo saaray kadib markii la joojiyay dhamaan dhaq-dhaqaaqa ciyaaraha dalka Spain  sabab la xidhiidha Coronavirus.

Horyaalka La Liga ayaan la ciyaari doonin ugu yaraan muddo 2 todobaad ah kadib markii uu xanuunka Coronavirus si weyn ugu faafay dalka Spain maalmihii ugu dambeeyay.

Kadib markii la joojiyay tababarka iyo waliba horyaalka La Liga kabtanka Barcelona ayaa fariin u diray taageerayaasha kubada cagta.

“Waa Maalmo adag, waa aan ku noolnahay xaalado wal-wal ah sabab la xidhiidha waxa dhacayca”ayuu Messi yidhi.

“Waxa waajib ah in caafimaadku wax walba ka horeeyo, waa xaalad adag waa in aad dhamaantiin raacdaan talooyinka madaxda waana halka wado ee aan ula dagaalmi karon xanuunka”.

“Waxa la gaadhay wakhtigii aan masuuliyada qaadi lahayn”ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here