UEFA oo wada qorshe lagu dhammeystiro tartammada Champions League iyo Europe League

0
47

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee UEFA wuxuu qorsheynayaa in la dhameystiro kulamada ka harsan tartamada Champions League iyo Europe League inta lagu gudi jiro xilli ciyaareedkan, inkastoo ay jiraan caqabadaha adag ee la xiriirta ku faafitaanka cudurka Coronavirus inta badan wadamada lagu qabto ciyaaraha.

Labadii ciyaarood ee Real Madrid ee ay la ciyaari laheyd Manchester City iyo kulankii Juventus iyo Lyon ayaa si rasmi ah loo hakiyay, kaddib marklii kooxaha Los Blancos iyo Old Lady la karantiilay mudo labo Isbuuc ah, sababa la xiriira inuu soo galay kiis la xiriira cudurka Coronavirus.

Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee UEFA ayaa qaban doono kulan Talaadada soo socota si ay uga wada hadlaan xalka suurtagalka ah ee lagu heli karo tartamada Champions League iyo Europe League, iyo in la qaato go’aanka ugu dambeeya ee la xiriira in la ciyaaro koobka Euro 2020, waqtiga loogu talagalay ama dib loo dhigo ilaa xagaaga 2021.

Wargeyska “AS” ee dalka Spain oo soo xigtay dhigiisa “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xiriirka Kubadda Cagta Yurub uu ka hadli doono fikrada lagu dhameystiri karo tartamada Champions League iyo Europe League, iyo in la ciyaaro labada kulan finalka ah maalinta loo asteeyey, iyadoo loo marayo soo jeedin faa’iido yeelan karta, ee ah in la ciyaaro kulamada harsan ee wareegyada bugbaxda ah hal kulan oo kaliya halkii laga ciyaari lahaa labo kulan oo minin iyo marti ah.

Wargeysku ayaa nwuxuu ku sheegay warbixintiisa in UEFA ay qiimeyn ku sameyn doonto soo jeedintan, taasoo noqon karta xalka kaliya ee lagu xajin karo wax walba sida ay tahay islamarkaana aan dib loogu dhigin koobka Euro 2020 sanadka soo socda, sababa la xiriira ciriiriga jadwalka kulamada ay kooxaha ka ciyaarayaan tartamada gudaha iyo kuwa Yurub.

Waxaa macquul ah in hal kulan lagu ciyaaro garoon xiran oo ay ka maqan yihiin taageerayaasha, ama waxaa lagu ciyaari karaa garoomada mid ka mid ah labada koox ee is wajahaya, tani waxay suurtogalineysaa inay yaraadaan kulamadii badnaa ee la ciyaari lahaa, waxaana sidoo kale loo ogolaanayaa kooxaha inay ciyaaraan kulamada maxaliga ah ee dib looga dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here