Cristiano Ronaldo Oo Qaaday Talaabo Cajiib Ah Oo Uu Ku Caawinayo Shacabka Dalkiisa

0
41

Baladweyne (Radio Beerlula)- Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo oo looga bartay talaabooyinka Bani-aadanimo muddo dheerna waday caawinta dadka dhibaataysan ayaa qaaday talaabo kale oo cajiib ah xilli lagu jiro xaalad adag oo adduunka ah kadib markii uu dilaacay xanuunka Coronavirus.

Xiddiga Cristiano Ronaldo oo ku sugan dalkiisa Portugal ayaa qaaday talaabo cajiib ah oo uu ku caawinayo Shacabka dalkiisa ee uu ku dhacay xanuunka Coronavirus.

Cristiano Ronaldo ayaa la sheegayaa in uu hudheeladii aadka u badnaa ee uu ku lahaa dalka Portugal dhamaantood u wada badalay Cusbitaalo lagu dawaynayo dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus.

Waxa intaas sii dheer in daawooyinka ay bixinayaan Cusbitaaladaas yihiin kuwo lacag la’aan ah oo dadka bilaash lagu siinayo dawooyinka iyo daryeelka uu u baahanyahay.

Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale bixinaya lacagta & Mushaharka dhamaan shaqaalaha dhakhtarka ee Kala ah Dhakhaatiirta iyo waliba kal-kaaslisooyinka ka shaqaynaya meeshaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here