Real Madrid Oo Qaaday Talaabo Ku Dhawaynaysa Saxiixa Sadio Mane, Maxaa Soo Kordhay?

0
44

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wararka ka imanaya Dalka England ayaa sheegaya in ay Real Madrid la xidhiidhay wakiilada xiddiga kooxda Liverpool ee Sadio Mane si ay ugu war galiyaan rabitaankooda helitaanka saxiixiisa xagaaga dambe.

Xiddiga Mane ayaa horay loola xidhiidhiyay kooxda Real Madrid xagaagii 2018 taas oo keentay in ay Real Madrid heshiis cusub ka saxiixato xiddiga reer Senegal.

Laakiin wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Real Madrid wali doonayso saxiixa xiddiga waliba si toos ah ula xidhiidhiidheen wakiilka xiddiga una sheegeen in ay doonayaan saxiixiisa.

Wargayska ayaa sheegaya in uu tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane si aad ah u doonaya xiddiga reer Senegal si uu ugu xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Heshiiska Sadio Mane ee Liverpool ayuu uga hadhsanyahay ilaa 3 sano oo kale waxana ay Real Madrid ku kalsoontahay in ay xiddiga kula wareegi karto lacag dhan 140 milyan oo euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here