Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Spain oo ka hadlay mustaqbalka horyaalka La Liga

0
44

Baladweyne (Radio Beerlula)- Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Spain ee Luis Rubiales ayaa ka hadlay mustaqbalka tartamada gudaha ah, inkastoo ay jiraan fikrado kala duwan, sababtuna waa cudurka dilaacay ee Coronavirus.

Dowladda Spain ayaa go’aansatay inay dib u dhigto dhamaan howlaha isboortiga, sababa la xiriira faafitaanka caabuqa Coronavirus ee dalkeeda, wuxuuna xiriirka ka fiirsanayaa dhowr doorashooyin gaar ahaan horyaalka La Liga iyo sida loo go’aamin lahaa guuleystaha koobka haddii ay dhacdo in la joojiyo tartanka.

Haddaba Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Spain ee Luis Rubiales ayaa wareysi uu maanta bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Waxaan ahay qof rajo fiican, laakiin marwalba cagahayga ayaan dhulka dhigaa, waxa aan aad uga walwalsanahay waa kubadda cagta”.

“Waxaan sii wadaynaa inaan baaritaan ku sameyno afarta arrimood ee suurtagalka ah, laga soo bilaabo kuwa rajada fiican leh iyo kuwa rajada xun, waxaana jawaab deg-deg ah ka bixin doonaa waxa ku dhici doona horyaalka Spain”.

Dhankiisa madaxweynaha maamulka horyaalka La Liga ee Javier Tebas ayaa wuxuu sheegay:

“Waxaan dhameystiri doonaa xilli ciyaareedka, waxaan ka shaqeyn doonaa wareegyo kale si aan u go’aamino taariikhaha la ciyaarayo kulamada, laakiin waa inaan sugnaa waxa ka soo bixi doono kulanka UEFA ee Talaadada”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here