Mikel Arteta Oo Badalka David Luiz Ka Doonaya Koox Ka Ciyaarta Premier League

0
46

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kooxda Arsenal ayaa qorshaynaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga daafaca West Ham ee Issa Diop si ay ugu xoojiyaan daafaca kooxda sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu Mikel Arteta Issa Diop u calaamadsaday xiddiga uu ku xoojinayo daafaciisa dhibaatoonaya.

Issa Diop oo 23 jir ah ayaa West Ham ugu soo biiray lacag dhan 22.5 milyan euro xagaagii 2018 waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah inkasta oo ay kooxdiisu dhibaatoonayso.

Advertisement

Arteta ayaa doonaya in uu daafaca Issa Diop xilli ciyaareedka dambe daafaca kooxdiisa kula mideeyo xiddiga William Saliba kaas oo ku soo laaban doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Gunners ayaa doonaysa in ay suuqa xagaaga ku dalbato lacah dhan 36 milyan oo euro xilli ay arintu u sii fududaan doonto hadii ay West Ham ka hadho premier League xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here