Paul Pogba oo sharraxay sababta uu u xirtay Maaliyadda Kooxda Juventus markii uu tababaranayay

0
42

Baladweyne (Radio Beerlula)-Laacibka khadka dhexe kaga ciyaara kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa ka careysiiyay taageerayaasha kooxdiisa kaddib makii uu bartiisa Instagram-ka soo geliyay muuqaal uu gurigiisa ku tababaranaayay isagoo xiran maaliyadda kooxda Juventus.

Horyaalka Premier League-ga ayaa ku jira fasax iyo xannibaad kaddib cabsi fara badan oo laga qabo caabuqa Coronavirus, sidaas darteed kubbad qaabeeyahan ayaa gurigiisa ku sameynayay tababar gaar ah, isagoo bartiisa Instagram-ka uu geliyay muuqaal kooban xilli uu xirnaa maaliyadda Bianconeri.

Pogba oo hadda ka soo kabanaya dhaawac uu garoomada kaga maqnaa muddooyinkii u dambeeyay ayaa si aad ah loola xiriiriyay ku laabashada kooxdiisii hore ee Juve iyo inuu ka tago garoonka Old Trafford.

Balse arrinta ka careysiisay taageerayaasha Man United ayaa ah inuu xirtay maaliyadda kooxda la la xiriirinayo, xilli mustaqbalkiisa Kooxda reer England uu mugdi badan ku jiro.

Ku guuleystaha Koobkii Aduunka 2018 ayaa sharraxay sababtii uu u xirtay maaliyadda Juventus, waxaana uu tilmaamay inuu taageere ugu muujinayay saaxiibkiisa Blaise Matuidi oo uu haleelay caabuqa Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here