Xiddig hore uga tarisanaa Real Madrid ah oo ka digay imaatinka Erling Håland ee garoonka Santiago Bernabéu

0
43

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddig hore kooxda Real Madrid ah ayaa ka digay in da’ayarka naadiga Borussia Dortmund ee Erling Håland uu yimaado garoonka Santiago Bernabéu.

Wrgeyska “Manchester Evening News” ee dalka England ayaa soo xigtay wareysi uu bixiyay laacibkii hore reer England ee Steve McManaman waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Wararka sheegaya in Erling Håland uu ka tagayo Borussia Dortmund, waxay u muuqdaan kuwa aan sax aheyn, waxay u muuqataa  inuu faraxsan yahay, waxa ugu muhiimsan ayaa ah inuu u ciyaarayo si joogto ah isla markaana uu goolal dhalinayo”.

“Waa inuu halkaas joogo isla markaana uu ciyaaro labo xilli ciyaareed kale, waa inuu soo dhaqaaqo marka uu helo qibrad badan kaddib marka uu la ciyaaro 200 kulan Borussia, isla markaana 20 ilaa iyo 30 kulan oo Champions League ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here