Jude Bellingham oo kala doortay Manchester United iyo Liverpool

0
38

Baladweyne(Radio Beerlula)- Da’yarka Birmingham City ee Jude Bellingham ayaa lagu soo warammayaa inuu jeclaan lahaa inuu ku biiro Manchester United intii uu ku biiri lahaa kooxda Liverpool inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

16-sano jirkan ayaa si weyn loogu ixtiraamaa inuu yahay mid ka mid ah xiddigaha  da’yarta ugu wanaagsan kubadda cagta Ingiriiska, waxaana la filayaa inuu ka tago kooxdiisa  Birmingham ka hor xilli ciyaareedka 2020-ka.

Kooxo badan  oo ay ku jiraan Arsenal, Liverpool, Manchester City, Man United, Bayern Munich iyo Borussia Dortmund ayaa dhammaantood la la xiriirinayay ciyaaryahanka khadka dhexe.

Sida laga soo xigtay Daily Star, Bellingham ayaa iska diidi doonta fursadda uu ugu biirayo Liverpool, isagoo door bidaya inuu ku biiro Man United, inkastoo la sheegayo in u dhaqaaqistiisa Dortmund aan meesha laga saarin xilligan.

Xiddigan ayaa gacan ka gaysatay goolal dhowr ah, isagoo dhaliyey afar gool iyo halka uu caawiyey saddex kale, 32 kulan oo uu u saftay Championship-ka intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkii 2019-20, xiddigaan ayaa jirsan doona da’da 17 sano  bisha June.

Shabakadda Sports Mole ayaa dhawaan si qoto dheer u eegtay da’yarkan, maadaama wararka la isla dhexmarayo ee mustaqbalkiisa ay sii socdaan.

Si kastaba ha noqotee, laacibkan u dhashay dalka England ayaa bandhig wanaagsan ku soo bandhigaya kooxdiisa Birmingham City, taasoo sababtay inuu dalabyo kala duwan ka helo kooxaha ugu tunka weyn qaaradda Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here