Saddexda difaac ee ku jira diiwaanka bartilmaameedyada suuqa ee Macallin Jurgen Klopp oo shaaca laga qaaday

0
39

Baladweyne(Radio Beerlula)- Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa qorsheynaya suuqa xagaagan inuu si wanaagsan kaga dukaameysto, xilli qorshooyin badan ay degsan yihiin.

Kooxda horyaalka Ingiriiska hoggaamineysa ee Liverpool ayaa bartilmaameed ka dhiganeysa illaa saddex ciyaaryahan oo ka ciyaara difaaca dhexe sida wararka Talyaaniga ka imaanaya ay sheegayaan.

Reds ayaa dooneysa inay la soo saxiixato difaac ay ku lammaaninayso Virgil van Dijk, maadaama uusan hadda haysan difaac kale oo si joogto ah kaga garab ciyaara.

Difaaca reer Netherlands ayaa ku jira xilli kale oo qurux badan, isagoo ka mid ah xiddigaha ugu maqaamka sarreeya kubadda cagta xilligan, balse ma heysto difaac heer sare ah oo garabkiisa ka ciyaara.

Dejan Lovren ma haysto qaab ciyaareed wanaagsan, sidaas darteed Joe Gomez ayaa inta badan ka garab ciyaara Van Dijk, balse difaaca Ingiriiska ah iyo Joel Matip waxa ay had iyo jeer wajahaan dhaawacyo kala duwan, taasoo labada xiddigba u diidday inuu midkood helo boos joogto ah.

Alessandro Bastoni, Jose Gimenez iyo Dayot Upamecano ayaa lagu soo warramayaa inay meel dhow ugu qoran yihiin buugga macallin Jurgen Klopp si xagaaga ugu dhaqaaqo la soo saxiixashadooda.

Upamecano oo ka tirsan RB Leipzig ayaa si aad ah loola xiriirinayay kooxda Arsenal bishii Janaayo ee horraantii sanadkan, iyadoo Macallin Mikel Arteta uu doonayay inuu difaaciisa ku xoojiyo.

Lacag gaareysa 50 milyan oo gini ayaa lagu jebin karaa heshiiskiisa, waana qiimo ay Reds ku bixin karto soo qaadashadiisa.

Dhanka kalena difaaca Atletico Madrid ee Giminez ayaa kaliya u saftay kooxdiisa 11 kulan xilli ciyaareedkan, waxaana soo wajahay dhaawacyo kala duwan, sidaas darteed kuma jiro qorshaha Macallin Diego Simeone, maadaamaa Felipe iyo Stefan Savic ay yihiin doorasha koowaad ee macallinka reer Argentina.

Taas ayaa saldhig u ah in ay si fudud ku heli karaan, maadaama kooxda ka dhisan caasimadda Spain ee Madrid ay ka fikireyso iibintiisa.

Magaca ugu dambeeya ee ay warbaahintu ku tuhmeyso inuu ku jiro diiwaanka bartilmaameedyada Liverpool waa xiddiga kooxda Inter Milan ee Bastoni, waxaana la fahamsan yahay inuu yahay midka ugu qaalisan saddexda difaac ee ay Reds doonayso.

Kooxda Nerazzuri ayaa diyaar u ah inay lacag fara badan dhaafsato 20-sano jirkaan haddii uu tababarahooda Antonio Conte aqbalo in la iibiyo difaacan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here