Shirkadda tagsiyada ee Uber oo laga joojiyay boqortooyada Sacuudiga

0
44

Baladweyne(Radio Beerlula) Shirkadda Uber ayaa joojisay howlaheeda dalka Sacuudiga ilaa iyo inta laga helayo amar ka soo baxa Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaas, sida ay sheegtay shirkadda Uber oo ka shaqeysa Tagsiyada.

Boqortooyada Sacuudi carabiya ayaa joojisay Tagsiyada Uber iyadoo ku micneysay mid lagu yareynayo fafitaanka caabuqa COVID-19, iyadoo dalkas laga diiwangeliyay 334 kiisa oo cudurkaa ah.

“Sida ku cad amar ay bixisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada, waxaan joojineynaa adeegeena dalka Sacuudiga ilaa amar kale uu ka soo baxo wasaaradda” Af-hayeen uhadlay Uber Taxi ayaa Reuters sidaas u sheegay.

Adeegga gawaarida ee Uber dalka Sacuudiga weli ma uusan diiwan gelin wax kiis ah oo la xiriira Korona feyras oo ku dhacay shaqaaalaha Uber Taxi.

Uber ayaa horay u shaacisay in ay qaadatay tallabooyin looga hortagayo cabuqa Korona iyo faafitaankiisaba , iyadoo horay u sheegtay in ay hawada ka saartay akoonnada ay adeegsadaan darawallada laga helay caabuqa Korona, taasna ay uga gol-laheyd in ay masuuliyad iska saarto caafimaadka bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here