Ciyaaryahankii saddexaad ee ka tirsan kooxda Juventus oo laga helay caabuqa Coronavirus

0
32

Baladweyne(Radio Beerlula)Xiddig ka tirsan Kooxda kubadda cagta ee Juventus ayaa ku dhawaaqay inuu ku dhacay caabuqa Coronavirus, kaddib xiddigaha Daniele Rugani iyo Blaise Matuidi.

Paulo Dybala ayaa fariin qoraal ah uu ku soo qoray boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka wuxuu ku sheegay:

“Waad salaaman tihiin dhamaantiin, waxaan rabay inaan idinku wargaliyo inaan hadda helnay natiijadii baaritaanka caabuqa Coronavirus, waxayna muujisay in nalaga helay aniga iyo saaxiibtey Oriana”.

“Nasiib wanaag waxaan ku jirnaa xaalad fiican. Waad ku mahadsan tihiin dhamaantiin fariimahiina iyo salaantiina”.

Paulo Dybala ayaa noqday ciyaaryahankii seddexaad ee ka tirsan kooxda Juventus ee qaba caabuqa Coronavirus kaddib labada xiddig Daniele Rugani iyo Blaise Matuidi.

Talyaanigu ayaa wuxuu si ba’an ugu dhibtoonayaa faafida caabuqa Coronavirus iyadoo la diiwaangaliyo maalin kasta inay u dhintaan boqolaalo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here