Kuubba oo dhaqaatiir u direysa Talyaaniga oo uu fara ba’an ku hayo Korona feyras

0
40

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dowladda Kuubba ayaa dhaqaatiir u direysa dalka Talyaaniga oo uu aafo ku noqday caabuqa COVID-19, markii ugu horreysay si ay uga caawiyeen dagaalka uu Talyaaniga kula jira cudurka Korna.

Jasiiradda Caribbean ka waxa ay dhaqaatiir u diraysay wadamada saboolka ah oo ay ka dillaacaan xanuunnada tan iyo 1959-kii, Dhaqaatiira Kuubba waxa ay safka hore uga jireen gacansiinta daacuunkii ka dillaacay Hayti iyo cudurka Ebola oo isna 2010-kii ka dillaacay galbeedka Afrika.

Guutada 52-aad ee dhaqaatiirta, waa marki ugu horreysay oo arrimo caafimaad loogu diro Talyaaniga, waxa ayna muujineysa xiriirka diblumaasiyadeed ee dhanka caafimaadka ah ee ka dhaxeeya labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here