Liiska 10-ka xiddig ee ugu bandhiga fiican horyaalada waa weyn ee yurub

0
32

Baladweyne(Radio Beerlula)- Inkastoo aanu dhamaanin horyaalada waaweyn ee yurub xilli ciyaareedkan, haddana waxaa la soo saaray liiska 10-ka xiddig ee ugu fiican horyaalada waaweyn ee yurub xilli ciyaareedkan.

Shabakada caalamiga ah ee “WhoScored” ayaa daabacday liisaska 10-ka ciyaartoy ee ugu wanaagsan xilli ciyaareedkan, waxaana liiska lagu xaddiday waxqabadka ciyaartoyda shanta horyaal ugu waa weyn ee Yurub oo keliya, sidaas darteed looma tix galin wax qabadkooda koobabka kale ee uu ku jiro tartanka Champions League.

Lionel Messi ayaa safka hore kaga jira liiskan inkastoo uu soo bandhigay xilli ciyaareed aan sidaas u fiicneyn marka loo fiiriyo wax qabadkiisa xilli ciyaareedkii hore, laakiin shabakada ayaa waxay cel celis ahaan adeegsatay qiimeynta ciyaartoyda kulamada ay ciyaareen, sidaas dartee Lio ayaa helay dhibco sare, maadaama uu inta badan kulamada kaga dhameysto isagoo heysta qiimo sare.

Liiskan ayaa waxaa gabi ahaanba ka maqan dhamaan xiddigaha kooxda Real Madrid marka loo fiiriyo in aanu joogta aheyn qaab ciyaareedka dhamaan wiilasha Zinedine Zidane xilli ciyaareedkan, iyadoo uu hoos u dhac weyn ku yimid qaab ciyaareedka qaar badan oo ka mid ah sida Luka Modric, Sergio Ramos iyo Marcelo.

Xiddiga kooxda kubadda cagta Juventus ee Cristaino Ronaldo ayaa liiskan ka soo galay kaalinta 7-aad, halka sheekada layaabka leh ay noqotay in gabi ahaanba laga dhex waayay Ciro Immobile, kaasoo lagu tiriyo inuu yahay gooldhaliyaha ugu fiican horyaalada waa weyn ee Yurub isagoo leh 27 gool.

Lionel Messi: 8.61

Neymar Jr: 8.58

Robert Lewandowski: 8.16

Kylian Mbappé: 8.14

Josip Iličić: 7.95

Kevin De Bruyne: 7.92

Cristiano Ronaldo: 7.9

Jadon Sancho: 7.9

Ángel Di María: 7.75

Dimitri Payet: 7.73.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here