Diyaaradihii hakiyay duulimaadyada oo loo la’yahay meel la dhigo

0
43

Baladweyne(Radio Beerlula)- Waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay la joojiyay qaar ka mid ah duulimaadyada caalamiga ka dib markii uu dunida ku faafay fayraska corona.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa sheegay in kiisas badan laga helay xanuunka corona oo markiisii hore ka dilaacay dalka shiinaha.

Saameynta xanuunka ayaa keentay in dad badan aysan safrin, wadamo badanna ay joojiyeen duullimaadyadii caalamiga ahaa, taasoo keentay in inta badan shirkadaha diyaaradaha ay joojiyaan duulimaadayada, maadaama ay yaraadeen macaamiisha safreysa iyo dalalka la tagi karo.

Wargeyska The Financial Times ayaa kusoo warramay in diyaarado gaaraya 80 kun ay joojiyeen duulimaadyadii, taas oo ka dhigan in dhammaan diyaaradahaas ay u baahdeen meelo la dhigo, maadaama aysan hawada ku jirin.

Diyaaradaha joojiyay duullimaadyada waxaa ka mid ah, Emirates, Delta, Qantas, Lufthansa iyo kuwa kale oo badan oo yareeyay safarada sida KQ, British Airway iyo kuwo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here