Maamulka United Oo Ka Arinsanaya Mustaqbalka Odion Ighalo Ee Qalcadda Old Trafford

0
33
Odion Ighalo (25) of Manchester United celebrates after scoring a goal to make it 0-2 during the FA Cup match between Derby County and Manchester United at the Pride Park, Derby, England on 5th March 2020. (Photo by Jon Hobley/MI News/NurPhoto via Getty Images)

Baladweyne (Radio Beerlula)- Man United ayaa damacsan in ay toos ula wareegto Odion Ighalo , waxa ayna damacsan yihiin in arintaas ku dhaqaaqaan xagaaga

Sportsmail ayaa laga soo xiganayaa in maamulka United ay isla meel dhigeen in ay bixiyaan 15 milyan oo euro , waxa uuna laacibkaas amaah uga soo maqan yahay kooxda reer Shiina ee Shanghai Greenland Shenhua

United ayaa la xaqiijiyay in haatan wadahadallo wax ku ool ah kula jirto kooxda Shanghai Greenland Shenhua si laacibkaas toos ugu helaan .

Macalin Ole Gunner ayaa la dhacsan wiilkaan reer Nigeria kaasi oo hanaan ciyaareed qurxoon soo bandhigay kulamada uu illaa haatan uu u saftay kooxdaas .

Laacibkaas 30 sano jirka ayaa dhankiisa diidaneyn fikradda ah in uu toos ugu wareego United oo uu horay u sheegay in lacag badan ay kaga baxday daawashada kulamada kooxdaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here