Nin lagu ganaaxay 33,000 oo doollar kaddib markii uu jabiyay karantiil caafimaad

0
57

Baladweyne (Radio Beerlula)-Laamaha garsoorka Taiwan ayaa lacag 33,000 oo doollar ah ku ganaaxay nin la sheegay in uu jabiyay karantiil caafimaad oo saarnaa.
Wargeyska Asia Times ayaa sheegay in ninkan oo dhawaan ka soo laabtay koofur bari eeshiya la faray in muddo laba todobaad ah uusan ka soo bixin hoygiisa hase yeeshee ninka ayaa la sheegay in xilli habeen ah uu baxay oo uu tagay mid ka mid ah goobaha lagu caweeyo ee caasimadda dalkaas ee Taipei.
Laamaha garsoorka ayaa falka uu ku kacay ninkaas ku tilmaamay mid musiibo ah oo mudan in uu ciqaabteeda maro.
Maamulka caasimadda ayaa wacad ku maray in dadka isugu yimaada goobaha cariiriga ah amaba aan hawada lahayn la karantiili doono sidoo kalena laga qaadi doono ganaax dhan hal milyan oo lacagta dalkaas ah.
Taiwan ayaa horay loogu amaanay sida ay u xakamaysay feyraska Korona iyada oo diiwaan gelisay kaliya 195 xaaladood iyo laba u geeriyootay waxaana xusid mudan in Taiwan ay xuduud la leedahay dalka Shiinaha oo aha ubucdii uu ka dillaacay feyraskan oo haatan ku fiday dunida oo idil.
Shiinaha, Kuuriyada Koofureed, Taiwan iyo Singabuur oo intuba ku guuleystay dagaalkii ay la galeen feyraska ayaa haatan wajahaya mowjado hor leh oo feyraska taasoo loo aanaynayo dadka soo galaya dalalkooda.
Taiwan ayaa gabi ahaanba joojisay in dadka ajaanibta ah ay soo galaan dalkeeda halka muwadiniinteeda soo galaya dalka ay ku soo rogtay karantiil 14 maalmood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here