Kooxda Chelsea oo amaah ku doonaysa Weeraryahan ka tirsan Real Madrid

0
31

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fiirsanayso in ay amaah ku soo qaadato Weeraryahanka Real Madrid ee Luka Jovic.

22-sano jirkaan ayaa ku soo biiray Madrid xagaagii hore kaddib markii la soo qaatay naadiga reer Jarmal ee Eintracht Frankfurt, halkaas oo uu ku dhaliyay 27 gool 48 kulan oo uu u ciyaaray intii lagu jiray 2018-19.

Xiddigan ayaa u dhaliyay labo gool 24 kulan oo uu u saftay Los Blancos ilaa iyo haatan, waxaana tababare Zinedine Zidane uu diyaar u yahay inuu si ku meel gaar ah xagaagan iskaga diro.

Real Madrid ayaa haysata rajada ah in Jovic uu weli guulo ku gaari karo garoonka Bernabeu, sidaas darteed diyaar uma ahan inay iibiyaan isaga, taas bedelkeeda waxay rajaynaysaa in amaah ku dhiibto adeegga xiddigan, isagoo amaahdaas ka caawin doonto inuu dib u helo kalsoonidiisii hore ee gooldhalinta.

Jariiradda Metro ayaa Warinaysa in Chelsea ay qorsheynayso inay amaah kula soo wareegeyso Jovic si ay tartan dheeri ah ugu geliso Tammy Abraham, iyadoo mustaqbalka Michy Batshuayi iyo Olivier Giroud aan la hubin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here