Kooxo waa weyn oo ay ka mid tahay Man United oo albaabka u soo garaacay Cristiano Ronaldo

0
30

Baladweyne(Radio Beerlula)- Sida wararku ay sheegayaan kooxo waa weyn oo ka dhisan qaaradda Yurub oo ay ka mid tahay Manchester United ayaa albaabka u soo garaacay Weeraryahan Cristiano Ronaldo.

Kooxaha Manchester United iyo Paris Saint-Germain ayaa la soo warinayaa inay xiriir la sameeyeen Cristiano Ronaldo, iyadoo raba suuro-galnimada ay kula wareegi karaan haddiiba uu ka tagayo naadiga Juventus.

Kooxda reer England ee Man United iyo tan reer France ee PSG ayay warbaahinta qaarkeed tilmaamaysaa inay xiriir la sameeyeen dhaliyaha kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo, kaasoo loo malaynayo inuu doonayo inuu ka tago kooxda heysata horyaalnimada Talyaaniga.

35-sano jirkaan, kaasoo kooxda uu hoggaamiyo macallin Maurizio Sarri kaga soo biiray Real Madrid sanadkii 2018, wuxuuna u dhaliyay 21 gool 22 kulan oo horyaalka ah oo uu u ciyaaray kooxda Old Lady inta lagu guda jiray ololahan 2019-20.

Qandaraaska haatan ee Ronaldo uu kula joogo Juve ayaa dhici doona dhammaadka xilli ciyaareedka 2021-22, laakiin weeraryahanka ayaa la sheegay inuu doonayo inuu si dhaqso ah uga tago kooxda reer Talyaani.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 118 gool 292 kulan oo uu u saftay Naadiga Red Devils intii u dhaxeysay sanadihii 2003 iyo 2009.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here