Mareykanka oo dawada Malaariyada ku dabiibaya feyraska Korona

0
33

Baladweyne (Radio Beerlula)-Mareykanka oo safka hore kaga jira dalalka uu faraha kulul ku hayo feyraska Korona ayaa wada dadaallo uu daawo amaba tallaal ugu heli karo feyraska.

Mareykanka ayaa markan tijaabinaya feyraska Korona uu ku dabiibo dawada duumada ee loo yaqaanno Hydroxychloroquine.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in magaalada New York iyo deegaannada ku dhow dhow ay ka bilaaban doonto adeegsiga dawada maleeriyada isaga oo tilmaamay in dawadaasi wax weyn laga dareemay.

Hay’adda caafimaadka dalka Mareykanka ayaa sheegtay in todobaadkan uu si weyn Mareykanka ugu baahi doono feyraska Korona.

Shiinaha ayaa wali kaalinta kowaad kaga jira dadka qaba feyraska oo ay tiradoodu tahay 81,000 oo qof, Talyaaniga ayaa labaad galay oo 59.000 oo qof uu haleelay feyraska, waxaana kaalinta saddexaad ku jira Mareykanka oo 40.000 oo qof uu ku dhacay, dalalka Spain iyo Jarmalka ayaa iyaguna kaalimaha afraad iyo shanaad ku jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here