Sirdoon Mareykan ah oo ku geeriyooday xabsi ku yaalla Iiraan

0
45

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xubin hore oo ka tirsaneyd FBI-da Mareykanka, Robert Levinson oo 13 sano ka hor lagu qafaashay Iiraan ayaa xabsiga ku geeriyooday, sida ay sheegeen qoyskiisa.

“ma qeexi karno dareenka xanuunka leh oo aan wajaheyno” ayuu yiri qof kamid ah qoyskiisa isagoo intaasi ku daray in dhimashadiisu u muuqato in uu ku dhacay caabuqa Korona feyras.

Robert Levinson waa laheyste ka soo jeeda Mareykanka kii ugu muddada dheeraa, 2007-dii ayaa lagu qafaashay jasiirad ku taalla Iiraan oo la yiraahdo Kish.

Qoyskiisa ayaa shegay in uu ku shaqeynaayey howlgalka CIA-da Mareykanka ee aan sharciyeysneyn.

Wuxuu howlgab ka noqday shaqada FBI-da 1998, laakiin jasiiradda Kish waxa uu u joogay baaritaan gaar ah oo uu ku sameynayey sigaarka been abuurka ah .

Madaxweyne Trump ayaa shalay Aqalka cad ka hor sheegay in uu aad uga xunyahahy waxa ku dhacay Robert Levinson, islamarkaana waxa uu ku tilmaamay in uu ahaa nin wanaagsan kana soo jeeday qoys wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here