Turkiga oo maxkamadeyneya Askar katirsan Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

0
40

Baladweyne (Radio Beerlula)- Xeer ilaaliyaha Dowladda Turkiga ayaa Dacwad Rasminah ku soo oogey ilaa iyo 20 kamid ah Ciidamada Boqotooyada Sucuudi Carabiya Kuwaas oo Xeer ilaaliyaha Uu Ku eedeyey in ay ku lug lahaayeen Dilkii Loo geystey wariyihii Reer Sucuudi ee Jamaal Kashuqji,
Suxufigaas oo 2018 lagu Diley Qunsuliyada Sucuudiga uu ku leeyahay Magaalada Istanbuul ee wadanka Turkiga, waxaan kamid ah DadkanTurkigu uu aadka u Dondooneyo laba Qof oo la sheegey in ay aad ugu dhawayeen Dhaxal sugaha Boqortooyada Maxadmed bin Salmaan.
Sacuud Al Qaxdaani oo ahaa Kuxigeenkii hore Taliyaha Sirdoonka Sucuudiga iyo Axmed Al-asiri ayaa kamid ah kuwa sida weyn looga tuhmeyo Dilkii Foosha Xumaa ee Loo geystey wariye Jamaal ka shuqji.
Dhinaca kale waxaa siweyn ugu soo horjeestey Hadalka kasooyeerey Xukuumadda Ankara Dowladda Sucuudi Carabiya iyada oona ku tilmaantey Gardaro Bareer ah iyo Xadgudub ay Sameeyneyso Dowladda Turkiga.
Ankara ayaa waxaa ay walibDaba Taagan tahay Sida Uu u dhacay Dilkaas iyo in aybCadaaladda ay wajahaan XubnahanlagubTuhmeyo, waxaana Xusid mudan in Maxkamada ay ka maqan yihiin dhamaan Askarta ay Dacwadu ku socoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here