Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo sheegtay in dalka laga helay kiiskii labaad ee Karoona.

0
43

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumada federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in kiiskii labaad ee Caabuqa Karoona laga helay muwaadiin Soomaaliyeed oo ka yimid dalka dibadiisa islamarkana xaaladiisa hadda ay tahay mid wanaagsan.

Fowsiya Abiikar Nuur ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsatay inay ku dadaalan fara dhaqa, inay ka fogaadan goobaha la iskugu yimado, sida goobaha waxbarashada, kulamada iyo meelaha kale ee lagu kulmo si looga hortago in Caabuqa uu faafo.

Warbixintan waxaa noo haya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here