Aaron Ramsey oo deeq lacageed ku bixiyay la dagaallanka Coronavirus

0
63

Baladweyne(Radio Beerlula)- Laacibka kooxda Juventus ee Aaron Ramsey ayaa lacag dhan 10,000 oo gini gaarsiiyay dalkiisa Wales si loola dagaallamo faafitaanka caabuqa Coronavirus.

29-sano jirka khadka dhexe ka ciyaara ayaa lacagtan gaarsiiyay hay’adda sadaqada bixisa ee Cardiff and Vale Health, isagoo lacag ugu diray dhinaca Internet-ka.

Ramsey ayaa bogga JustGiving ku qoray: “Aad ayaan ugu riyaaqnay shaqada adag ee aad qabataan.”

Laacibkii hore ee Kooxda Arsenal ayaa lacagtii uu gaarsiiyay hay’adda waxa ay  dhaaftay bartilmaameedkoodii ahaa 10,000 oo gini, waxaana hadda ay ku wareejinayaan shaqaalaha caafimaaka ee dalka Wales.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here