Sergio Aguero oo ammaan kala dul dhacay xiddig ka mid ah haldoorrada Liverpool

0
41

Baladweyne (Radio Beerlula)-Weeraryahanka kooxda Manchester City ee Sergio Aguero ayaa ammaan ballaaran kala dul dhacay xiddiga kooxda Liverpool difaaca kaga ciyaara ee Virgil van Dijk, isagoo qiray in jir dhismeedka difaacan uu qayb lixaad leh ka qaato sharta lagala kulmo marka la wajahayo.

Van Dijk ayaa bandhig cajiib ah ka sameeynayay Anfield tan iyo markii uu 75 milyan oo gini kaga soo dhaqaaqay kooxda Southampton sanadkii 2018, waxaana laacibkan loo tiriyaa mid ka mid ah difaacyada ugu wanaagsan kubadda cagta dunida.

Aguero ayaa tilmaamay inuu ka war qabo tayada Van Dijk xilli Liverpool iyo Manchester City ay labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay ku dagaallamayeen fooqa ugu sarreya ee horyaalka Premier League.

“Dhammaanteen waan ognahay in Van Dijk uu ka mid yahay difaacyada dhexe ee ugu wanaagsan dunida. Waa mid xoog leh, joog dheer, waxaana uu leeyahay jir cajiib ah,” ayuu Aguero u sheegay El Chiringuito.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here