Kooxda Real Madrid oo iska iibinaysa xiddigo ka mid ah si ay ula soo saxiixato Eduardo Camavinga

0
41

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa lagu soo warramayaa inuu u sheegay Maamulka naadiga inay qasab tahay inuu iska iibiyo ciyaartoy si uu ugu dhaqaaqo saxiixa xiddiga Rennes ee Eduardo Camavinga.

Kooxda reer Spain ayaa la rumeysan yahay inay durba xiriir la sameysay Rennes, si ay uga hesho saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee aadka loo qiimeeyo, kaasoo xilli ciyaareed fiican ku qaatay horyaalka Ligue 1 ee dalka France.

Sida laga soo xigtay Jariiradda AS, Real Madrid waxay rajeynaysaa inay ka soo kabato dhaqaale xumo ku dhacday oo uu sababay faafaha Coronavirus, waxayna u baahan tahay inay lacag uruuriso haddii ay la soo wareegeyso Camavinga.

Taasi waxay la micno noqon kartaa inay isbadal weyn sameyaan xagaagan, iyadoo ciyaartoyda sida; Gareth Bale iyo James Rodriguez ay suuqa kala iibsiga dhigto si ay u hesho adeegga xiddigan Camavinga.

Camavinga ayaa 36 kulan u saftay kooxda Rennes tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan, waxaana la sheegayaa in lagu qiimeeyo ku dhowaad 50 milyan oo gini.

17-sano jirkaan Eduardo Camavinga ayaa kooxdiisa Rennes waxa uu u saftay 32-kulan isagoo kaliya dhaliyay 1-gool, balse xili ciyaareedkan ayuu soo bandhigay ciyaar ay aad u wada jecleysteen dhammaan kooxaha qaaradda Yurub, taasoo sababtay inay dalabyo badan u yimaadaan xiddigan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here