Liverpool oo Heshay Badalka Dejan Lovren

0
48

Baladweyne (Radio Beerlula)-Daafaca kooxda Besiktas ee Domagoj Vida ayaa lagu soo waramaya in uu bartilmaameed u noqday kooxda Liverpool.

Inkasta oo muddo lala xidhiidhinayay premier League Domagoj Vida ayaa haatan galaya xilli ciyaareedkiisii 3-aad ee horyaalka Turkey-ga.

Si kasta ha ahaatee wargayska Yeni Asir ayaa sheegaya in ay Liverpool ka fiirsanayso in ay 31 jirka u dhaqaaqdo saxiixiisa suuqa xagaaga.

Inkasta oo uu xiddiga reer Croatia ciyaaray 87 kulan tan ilaa 2017 kooxda Besiktas ayaa la sheegayaa in ay iska iibiso xiddiga si ay u dhinto mushaharkiisa.

Jurgen Klopp ayaa xiddiga Domagoj Vida u arka badalka Dejan Lovren kaas oo la filayo in uu isaga tago kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Domagoj Vida ayaa la sheegayaa in kaliya lagu heli karo lacag dhan 5 milyan oo euro waana lacag aad u yar inkasta oo uu dhaqaale xumo ka jiro kubada cagta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here