Arsenal oo go’aan ka gaadhay heshiiska Isku Badalashada Ah Ee Loogu Soo Bandhigay Mauro Icardi

0
38

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay Aqbalayso heshiiska isku badalashada ah ee ay Inter Milan ugu soo bandhigtay xiddiga weerarka ka ciyaara ee Mauro Icardi sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Arsenal ayaa la sheegayaa in ay Inter Milan u soo bandhigtay xiddiga Mauro Icardi si ay dhankooda u helaan weeraryahanka Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Heshiiska Pierre-Emerick Aubameyang ee Arsenal ayuu hal sano ka hadhsanyahay waxana uu ilaa haatan diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Gunners.

Dhanka kale Icard ayaan mustaqbal ku lahayn kooxda Inter Milan waxana uu haatan Amaah ku qaadanayaa kooxda PSG halkaas oo uu qaab ciyaareed fiican ku qaadanayo.

Wargayska The Sun ayaa Haatan sheegaya in ay Arsenal aqbali doonto heshiiska Is badalka ah ee ay Isku Badalanayaan labada xiddig ee Pierre-Emerick Aubameyang iyo Mauro Icardi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here