Chelsea Oo Wadahadalo La Furtay Xiddig Premier League Ka Ciyaara

0
17

Baladweyne(Radio Beerlula)- Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la furtay Kooxda Leicester City oo ay ka doonayso saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Ben Chilwell.

Blues ayaa la filayaa in ay kooxda keento daafac bidix xagaaga kaas oo badal u noqda xiddigaha Marcos Alonso iyo Emerson Palmieri kuwaas oo la filayo in ay isaga tagaan kooxda.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay chelsea doonayso saxiixa xiddiga kooxda Atalanta ee Robin Goesens kaas oo aad uga jaban xiddiga Leicester City dhanka qiimaha.

Laakiin Wargayska Todofichajes ayaa sheegaya in ay Blues wadahadalo Rasmi ah la furtay kooxda Leicester city oo ay ka doonayso daafaca reer England ee Ben Chilwell.

Chilwell oo xilli ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan ayaa dhaliyay 2 gool sidoo kale caawiye ka noqday 4 gool oo kale 28 kulan oo uu ciyaaray.

23 jirkan ayuu 4 sano oo kale ka hadhsanyahay heshiiskiisa Leicester City laakiin Wakiilkiisa ayaa la sheegayaa in uu Frank Lampard u shegay in uu doonayo in uu ku biiro Blues xagaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here