Eden Hazard oo kasoo kabtay dhawacii uu lamaqnaa

0
19

Baladweyne(Radio Beerlula)- Laacibka kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa lagu soo warramayaa inuu taam u yahay dib ugu ciyaaridda kooxda Real Madrid marka dib loo billaabo ciyaaraha La Liga iyo Champions League kaddib markii uu Arbacadii isagoo caafimaad qaba soo gaaray xerada tababarka ee Valdebebas.

Los Blancos ayaa war farxad leh ka heleysa xaaladda Hazard kaddib qalliin loogaga sameeyay shanshada, waxaana qalliinkaas lagu fuliyay magaalada Dallas ee dalka Mareykanka 5-tii bishii Maarso.

Kabtanka xulka qaranka dalka Belgium ayaa ku dhaawacmay kullan ay kooxdiisa la ciyaartay Levante 22-kii Febraayo, balse waxa uu xerada tababarka ku soo laabtay Arbacadii si uu halkaas ugu maro baaritaanka xanuunka coronavirus.

Hazard ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku jiray soo kabasho aad u wanaagsan, taasoo meesha ka saarraysa saadaashii ahayd in inta ka harsan xilli ciyaareedkan uusan garoommada ku soo laaban doonin, maadaama La Liga uu hakad ku jiro, sidoo kalena Champions League loo dhigay illaa Agoosto.

Si kastaba ha ahaatee, laacibkii hore ee Chelsea ayaa maanka ku hayay inuu taam ahaansho buuxdo u helo tartanka qarammada qaaradda Yurub, balse, maadaama dib loo dhigay, waxaa lagu soo warramayaa in Macallin Zinedine Zidane uu u yeeri doono Hazard maalinta dib loo ciyaaro horyaalka La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here