Tuugo Dhac U Geystay Guryaha Frank Lampard Iyo Milkiilaha Leicester City

0
37

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tuugo ayaa dhac u geystay guryaha tababaraha Chelsea Frank Lampard iyo milkiilihii hore ee geeriyooday ee kooxda Leicester City Vichai Srivaddhanaprabha.

Waxay xadeen hanti kor u dhaafeysa hal milyan ginni oo taalay guriga milkiilihii hore ee kooxda The Foxes.

Tuugada ayaa sidoo kale dhac ka geystay guriga Frank Lampard ee ki fadhiya 12 milyan ginni oo ku yaala isla galbeedka London meel u dhow Chelsea.

Tuugada waxay qaateen hanti qiimaheeda gaarayo 60 kun ginni oo isagu jira saacado iyo dahab ay lahaayeen Frank Lampard iyo xaaskiisa.

Waa markii afaraad oo dhac loo geystay xiddigii hore ee England. Bishii December ee sannadkii hore ayaa sidoo kale gurigiisa la dhacay iyadoo boliiska ay ka qariyeen saxaafada.

Boliiska ayaa baaraya tuugada dhaca ka geysaneysa guryaha ay degan yihiin dadka taajiriinta iyo caanka ah ee galbeedka magaalada London.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here