Ciyaartooyda Bayern Munich oo dib u billaabay tababarka buuxa ee kooxda

0
45

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ciyaartooyda kooxda Bayern Munich ayaa jimcihii si rasmi ah u billaabay tababarka buuxa ka hor inta aan dib loo furin horyaalka dalkaastroddobaadka soo aaddan.

Ka hor dib u bilaabista horyaalka kooxda hogaaminaysa Bundesliga ayaa jimcihii qaadatay tababar buuxa oo ay ciyaartooyda kooxda isugu diyaarinayaan dib u bilaabashada horyaalka dalka Jarmalka.

Kooxda Bayern Munich ayaa tan ilaa bishii hore xiddigeheedu u ogolayd in ay qaataan tababar kali ah maadama ay dowladu u ogaalatay kooxaha dalkaasi ka dhisan tababarka.

Bayern Munich ayaa marti u noqon doonta kooxda Union Berlin maalinta 17 bisha May iyada oo horyaalka Lagu ciyaari doono taageere la’aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here