Lautaro Martinez Oo Iska Diiday Koox Premier League Ah Si Uu Ugu Biiro Barcelona.

0
51

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa kooxda Man United si uu ugu biiro kooxda Barcelona xagaaga.

Red Devils ayaa la filayaa in ay weeraryahan cusub u dhaqaaqdo suuqa kala iibsiga xagaaga waxana jira warar sheegaya in tartan ugu jirto saxiixa xiddiga kooxda Inter Milan ee Martinez.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in kooxda Man United diyaar u ahayd in ay miiska saarto lacagta 111 milyan ee lagu bur-burin karo heshiiskiisa haatan ee kooxda Inter Milan.

Kooxda Man United ayaa la sheegayaa in ay diyaar u ahayd in ay xiddiga reer Argentine ee 22 jirka ah ka dhigto saxiixeeda ugu horeeyay laakiin Lautaro Martinez ayaa iska diiday dalab United si uu ugu biiro Barcelona.

Kooxaha Man City, PSG Iyo Real Madrid ayaa sidoo kale xiiso u muujiyay xiddiga 16-ka gool dhaliyay 31 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan

Laakiin Barcelona ayaa ugu cad-cad helitaanka saxiixa xiddiga kaas oo doonaya in uu ku biiro kooxda ku ciyaarta Camp Nou.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here