Van Dijk Oo Kashifay Sababtii Uu Ugu Soo Biiray Liverpool.

0
21

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa shaaca ka qaaday sababihii ku dhalisay in uu kooxda Liverpool ku biiro suuqii January 2018.

Daafaca reer Holland ee Van Dijk ayaa Noqday xiddiga ugu qaalisan taariikhda kooxda Liverpool kadib markii uu Reds ugu soo biiray lacag dhan 75 milayn oo euro.

Van Dijk oo la hadlaya BT Sport ayaa yidhi”Ka Hor Intii aanan qaadan go’aankii aan ku doortay Liverpool waxa aan eegay meelo badan, sida qaab ciyaareedka kooxda, xiddigaha kooxda, mustaqbalka kooxda iyo waliba taageerayaasha iyo magaalada”.

“Waxan u malaynayaa in aan si saxan u doortay ku biirista Liverpool wakhtigaas sababta oo ah waxa aan laba final gaadhay muddo 2 sano ah, waxana ay arintaas iga caawisay in aan horumar sameeyo”.

Van Dijk ayaa iska diiday kooxaha Man United, Man City iyo Chelsea kuwaas oo dhamaantood doonayay saxiixa xididga reer Holland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here