Thomas Partey Oo Atletico Madrid U Sheegay In Uu Doonayo In Uu Ku Biiro Arsenal

0
46

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Thomas Partey ayaa Kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro Arsenal xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga oo u sheegay sababta uu doonayo in uu ugu biro kooxda.

Wargayska Daily Telegraph ayaa sheegaa in sababta uu doonayo in uu ugu biiro Arsenal tahay in uu taageere u ahaa Gunners tan ilaa yaraantiisii.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa la sheegayaa in uu bartilmaameed ka dhigtay Thomas Partey si uu ugu xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa xilli ciyaareedka.

Xididga 26 jirk ah ayaa si joogo ah ugu ciyaara kooxda Atletico Madrid 3-dii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay Atletico ayaana doonaysay in ay xiddiga reer Ghana ka saxiixato heshiis cusub laakiin xiddiga ayaa doonaya in uu ku biiro Arsenal xagaaga sida uu sheegay wargayska Daily Telegraph.

Xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey ayaa heshiiskiisa lagu bur-burin karaa lacag dhan 44 milyan oo euro xilli ay Atletico Madrid rajaynaysay in ay heshiis cusub ka saxiixato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here