Real Madrid oo markii ugu horreysay ku soo laabatay tababarka iyo Hazard oo ka qayb qaatay

0
46

Baladweyne (Radio Beerlula)-Safka kooxda Real Madrid ayaa maanta ku soo laabtay tababarka kaddib laba bilood oo ay ka maqnaayeen.

Ciyaartoyda ayaa loo oggolaaday inay xerada tababarka ee Valdebebas ku sameeyaan tababar gaar-gaar ah.

Waxaana xiddigaha ay u kala socnaayeen labo koox, iyadoo ciyaaryahan walba uu masaafo u jiray halka uu ku tababaranayo midka kale.

Toddobaadka ugu horreeya ee tababarka ayaa noqon doona tababar gaar-gaar loo sameynayo, oo uu hoggaanka u hayo macallinka jimicsiga jirka ee Gregory Dupont.

Macallin Zinedine Zidane ayaa sidoo kale qayb ka ahaa tababarka isagoo mar walba dhex taagnaa garoonka, balse waxaa uu amarrada ka bixinayay meel masaafo yar u jirta xiddigaha.

Qorshaha tababarka ee toddobaadka xiga ayaa lagu sheegay inuu noqon doono mid ay xiddigaha isu raaci doonaan kooxo yar-yar oo aan ka badnayn lix ciyaaryahan kooxdiiba.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa qorshaha ku darsatay inay raacdo awaamiirta ay soo jeediyaan waaxda caafimaadka ee ay maamulka La Liga u xil saareen ka taxaddaridda caafimaadka ciyaartoyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here