Real Madrid oo waqti cayiman u qabatay Arsenal si ay u kala caddeyso inay ka iibineyso Aubameyang

0
44

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in kooxda Real Madrid ay waqti go’an u qabatay kooxda Arsenal si ay u caddeyso qorshaha ay ka leedahay weeraryahankeeda Pierre-Emerick Aubameyang iyo haddii ay iibineyso.

Laacibka reer Gabon ayaa lala xiriirinayaa ka tagista garoonka Emirates Stadium, iyadoo kooxo dhowr ah uu bartilmaameed u yahay, waxaana ka mid ah kooxda Real Madrid taasoo laacibka isha la raaceysay laga soo billaabo waayihiisii Borussia Dortmund.

Gunners ayaanan wali caddeyn qorshahooda ku aaddan mustaqbalka Aubameyang, xilli ay la tacaaleyso sidii ay qandaraas cusub kaga saxiixan lahayd, maaddaama heshiiskiisa hadda uu dhici doona xagaaga 2021.

Majaladda Mirror ayaa daabacday inay kooxda reer Spain ka war sugi doonto dhiggeeda illaa laga gaaro 15-ka bisha June, si ay u hesho go’aanka kaga aaddan iibinta kabtankeeda.

Sidoo kale wararka waxa ay sheegayaan in Los Blancos ay ka fiirsaneyso in heshiis is dhaafsi ah ay kusoo qaataan laacibka reer Gabon, iyagoo Arsenal si toos ah kaga iibiniya Dani Ceballos oo ah ka tirsan kooxda uu hoggaamiyo Macallin Mikel Arteta.

Balse waxaa Madrid caqabad ku noqoneysa in Ceballos uusan dooneyn ka sii mid ahaanshaha kooxda Arsenal, sidoo kalena uu doonayo ku laabashada Santiago Bernabeu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here