Vincent Kompany oo doortay daafaca ugu fiican taariikhda horyaalka Premier League

0
33

Baladweyne(Radio Beerlula)- Daafaca reer Belgium ee Vincent Kompany ayaa doortay daafacii ugu fiicnaa taariikhda horyaalka Premier League.

Kabtankii hore kooxda Manchester City ee Vincent Kompany ayaa u doortay Virgil van Dijk inuu yahay daafacii ugu fiicnaa taariikhda horyaalka Premier League.

Vincent Kompany ayaa qiray inuu si weyn ula dhacsan yahay awooda daafaca kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk, wuxuu carabka ku adkeeyay in Reds ay noqotay koox gaar ah, kaddib imaatinka van Dijk.

Kompany ayaa doorashadiisa Virgil van Dijk, wuxuu iska indho tiray halyeyada John Terry, Rio Ferdinand iyo Nemanja Vidic, in kasta oo magacyadan ay ka sarreeyaan xiddiga reer Holland marka loo eego sanadihii ay ku dhex jireen kubadda cagta iyo koobabkii ay ku guuleysteen.

Vincent Kompany ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Aniga ahaan, daafaca ugu fiican taariikhda horyaalka Premier League waa Virgil van Dijk, Liverpool waxay noqotay koox gaar ah, isla markaana leh awood weyn kaddib imaatinkiisa”.

“Tilmaamaha ayaa sheegaya in Virgil van Dijk uu awood u leeyahay inuu gaaro heer wanaagsan, sababtoo ah wuxuu ku gaaray heerka uu hadda gaaray sanado yar”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here