FIFA oo xaqiijisay xilliga la ciyaari doono saddex ka mid ah tartamada hoos taga ee dib u dhacay

0
35

Baladweyne(Radio Beerlula)-Hay’adda ugu sarreysa kubadda cagta ee FIFA ayaa xaqiijisay in Koobka Adduunka ee hablaha da’dooda ku hooseyso 20-ka sano la ciyaari doono bisha Jannaayo ee sanadka 2021, halka xilligii hore la qorsheynayay in la ciyaaro bisha Agoosto ee sanadkan.

Tartankan oo lagu ballansanaa in bilaha Agoosto iyo Sebteembar uu ku qabsoomo dalalka Costa Rica iyo Panama, balse 3-dii Abril ayaa lagu dhawaaqay in dib loo dhigay faafaha coronavirus awgii.

FIFA ayaa hadda xaqiijisay inuu tartanka socon doono 20-ka Jannaayo illaa 6-da Febraayo, iyadoo aysan is baddeli doonin da’da ay ciyaartoyda kaga qayb gali karaan.

Sidoo kale guddiga FIFA ugu xil saaran ka shaqeynta arrimaha la xiriira COVID-19 ayaa xaqiijiyay in Koobkii Adduunka ee hablaha ka yar 17 sano jirrada ee 2020 isna lagu jadwaleeyay 17-ka Febraayo illaa 7-da Maarso ee sanadka dambe inuu ku qabsoomo dalka India, halka tartanka Koobka Adduunka Sallaxa (Futsal) ee 2020 isna loo baddelay inuu Lithuania ka dhaco inta u dhexeysa 12-ka Sebteembar illaa 3-da Oktoobar sanadka 2021.

Guddiga fulinta ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in shirka 70-aad ee FIFA Congress, kaasoo lagu madalsanaa in Addis Ababa uu ka dhaco, uu Internet-ka gudihiisa ka dhici doono 18-ka Sebteembar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here