5 Ciyaartoy oo Manchester United Ka Tirsan oo Mustaqbalkooda Halis Ku Jiro

0
44

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester United ayaa diyaar u ah inay hore ugu socoto qorshahaeeda suuqa xattaa dhibaato kasta oo uu abuuray fayraska Korona, waxaana tababare Ole Gunnar Solskjaer uu doonayaa in loo keeno laacibiin uu bartilmaameedsaday oo ay ka go’an tahay inuu kusoo kordhiyo safkiisa.

Solskjaer ayey ka go’an tahay inuu Old Trafford keeno ka hor inta aanu xili ciyaareedka dambe bilaabmin saddexda ciyaartoy ee Jack Grealish iyo James Maddisson oo khadka dhexe ah, kana tirsan Aston Villa iyo Leicester City iyo waliba da’yarka hibada badan leh ee ay kooxaha badan dusha ka fiirsanayaan ee Jude Bellingham.

Saddexdan laacib oo safka koowaad ku jira, waxa soo raaca weeraryahanka Moussa Dembele ee u ciyaara kooxda Lyon oo la sheegayo in saxeexiisa ay Manchester United ku garaacayso Chelsea oo illaa bishii January daba socotay, waxaana qiimihiisa lagu qiyaasay illaa £60 milyan oo Gini.

Laacibiintan ayuu Solskjaer u arkaa inay yihiin waxa ka dhiman kooxdiisa si ay horyaalka xili ciyaareedka dambe ugula tartami karto naadiyada ka awoodda badnaaday toddobadii sannadood ee ugu dambeeyey ee horyaalkana iyagu kala qaadanayay.

Laakiin qorshahan ayaa waxa uu halis ku yahay shan ciyaartoy oo ka tirsan safka naadiga, waqtiganna door muhiim ah ka ciyaaray sidii uu naadigu ugu sugnaan lahaa kaalinta shanaad, shaqadooduna ay ahayd mid aan la qarin karaynin oo taageereyaasha iyo macallimiintuba ka war hayaan.

Wargeyska Manchester Evening News ayaa waxa uu soo bandhigtay magacyada shanta ciyaartoy oo uu xusay inay kaydka geli doonaan, mustaqbalkoodana mugdi geli doono, kuwaas oo ay suurtogal tahay in ay xaaladdoodu sababi kari doonto inay ka fikiraan sii joogista kooxda.

Shantan laacib oo ah kuwo aanayd rumaysan karin, waxa booska ka riixan doona saxeexyada cusub ee imanaya, waxaana dhif iyo naadir noqon doonta in lagu arko garoomada, iyadoo fursadaha kali ah ee ay heli karaana noqonayso inay beddel kusoo galaan kulamada goolasha badan ay United dhaliso ee libinta ay isa-siiyaan, waxaanay kala yihiin:

Mason Greenwood

Da’yarkan lagu tilmaamo inuu yahay xiddigaha mustaqbalka ee kasoo baxay kulliyadda United, xilli ciyaareedkanna kulamo badan badbaadiyey, gaar ahaan xilliyo ay wiiqnaayeen Marcus Rashford iyo Anthony Martial, ayaa waxa kaydka gelin doona Moussa Dembele oo weerarka tooska ah ka ciyaari doona, waxaana garbihiisa istaagi doona labada laacib ee kale ee Rashford iyo Martial, si ay u abuuraan saf ka kooban saddex weeraryahan.

Daniel James

Saxeexii xagaagii hore ay Manchester United samaysay, waxa hawada u diri doona oo boos la’aan dhigi doona Grealish iyo Maddison oo kallifi doona in shaxda tababare Solskjaer ay noqoto 4-3-3, taas oo ah in weerarka ay ku midoobi doonaan Dembele, Rashford iyo Martial, halka khadka dhexena ay iska haysan doonaan Grealish iyo Maddison oo garab ka helaya Bruno Fernandes ama Paul Pogba haddii uu sii joogo.

James oo garab weerar illaa dhex ah ka ciyaara, waxa sidaas uu kaga bixi doonaa safka hore ee Red Devils.

Fred
Laacibka reer Brazil muhiim ayuu ahaa xilli ciyaareedkan, waxaanu si fiican u daboolay booska Paul Pogba oo inta badan dhaawac u jiifay, iyadoo isfaham wanaagsan uu la yeeshay Bruno Fernandes.

Laakiin imaatinka labada dhexda ah ee Maddison iyo Grealish waxay sii kordhin doontaa tirada laacibiinta khadka dhexe ee uu tababare Solskjaer kala dooran doono.

Waxa uu hore u haystay Scott McTominay, Bruno Fernandes, Paul Pogba, Matic iyo labada laacib ee imanaya ee Maddison iyo Grealish.

Marka intani joogaan, waxaad ka filaysaa mustaqbalka Fred. Daad ayaa qaaday!

Angel Gomes

Waa 19 jir uu heshiiskiisu8 dhamaad yahay, waxaana isaga culays shaqsi ah ku keeni doona Jude Bellingham oo ah 16 jir qaab ciyaareedkiisu u dhigmo xiddigo waaweyn.

Wiilkan yar ee mucjisada ah oo saxeexiisa ay Manchester United kula tartamayso kooxo ay ka mid yihiin Borussia Dortmund, waxa imaatinkiisu uu hadhayn doonaa mustaqbalka Angel Gomes.

Andreas Pereira

Intii uu Old Trafford yimid Bruno Fernandes, waxa saaxadda ka baxay laacibka khadka dhexe ee reer Brazil ee Andreas Pereira, haddii ay yimaaddaan laacibiinta kalena maxaad u malayn?

Ciyaartoyda ugu horreeya ee Manchester United ka tegi doona ayuu liiska afka hore kaga jiraa Pereira, waxaana dheer in haddaba uu ogyahay in aanay Old Trafford waxba u oollin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here