Pjanic Oo Iska Diiday Man United Si Uu Ugu Biiro Barcelona.

0
39

Baladweyne (Radio Beerlula)- Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Juventus ee Miralem Pjanic ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday ku biirista kooxda Man United si uu ugu biiro kooxda Barcelona xagaaga.

Kooxda Juventus ayaa doonaysa in ay dib u soo ceshato xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba waxana la sheegayaa in ay United u soo bandhigtay saxiixa xiddiga Miralem Pjanic laakiin xiddiga ayaa iska diiday in uu ku biiro United.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa 4 sano ku qaatay kooxda Juventus waxana uu bartilmaameed u noqday tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer si uu ugu xoojiyo khadka dhexe.

Laakiin wargayska Sport ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Bosnia iska diiday Man United sabab la xidhiidha in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Barcelona xagaaga.

Miralem Pjanic ayaa la sheegayaa in uu haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Barcelona kaliyana hadhsantahay in ay labada kooxood ka heshiiyaan saxiixa xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here