Tababare Pep Guardiola oo la filayo inuu dib ugu laabto Kooxdiisii hore ee Barcelona,

0
37

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa la filayaa inuu ku laabto kooxdiisii hore ee Barcelona.

Macallinka reer Spain ayaa ku raaxeystay afar sano oo guulo ah garoonka Camp Nou intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2012, isagoo kula guuleystay kooxda Blaugrana saddex La Liga iyo labo Champions League.

Musharaxa madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa dhowaan shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu dib ula midoobo Guardiola magaalada Catalonia, taasoo ah fikir la dhihi karo inuu yahay mid aad u wanaagsan Jamaahiirta Barca.

Sida laga soo xigtay The Mirror, mustaqbalka Guardiola ee garoonka Etihad ayaa weli cirka ku sii jiraya, iyadoo labo sano laga ganaaxay Man City inay dheesho tartammada Yurub, 49-sano jirkaanna waxa uu furi karaa tartan cusub.

Laporta wuxuu ahaa ninka u magacaabay Guardiola inuu noqdo Tababaraha Barcelona 2008, sidoo kale warbixinta ayaa sheegeysa in xaaskiisa iyo mid ka mid ah carruurtiisa ay iminka ku nool yihiin Gobolka Catalonia, iyagoo yimid sanadkii hore.

Guardiola ayaa guuleystay 179 ka mid ah 247 kulan uu maamulayey kooxda Barcelona, waxaana maamulka Man City ay cabsi weyn ay ka qaban inay waayaan tababaraha cajiibka ah xilli uu qandaraaskiisa Etihad oo dhacaya sanadka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here