Man United oo u diyaarineysa 250 million euros si ay u soo gabagabeyso saddex heshiis xoogan

0
34

Baladweyne (Radio Beerlula)-  Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa isku diyaarineysa inay diyaariso dalab aad u xoogan, si ay u sameyso saddex heshiis xoogan, kuwaasoo lagu tiriyo bar-tilmaameedyada kooxda ee suuqa xagaaga soo aadan, si ay ugu diyaar garoowdo xilli ciyaareedka soo socda.

Red Devils ayaa diyaarineysa 220 million pounds, oo u dhiganta 248 million euros, si ay ugu guuleysato adeegyada saddexda xiddig ee kala ah Jadon Sancho, Jack Grealish iyo Jude Bellingham.

Wargeysyada “The Sun iyo Daily Star” oo xiganaya “Manchester Evening News” ayaa waxay soo wariyeen in xiddiga reer England iyo kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho lagu qiimeeyo 100 milyan ginni.

Halka sidoo kale Jack Grealish isna lagu qiimeeyo 70 million euros, laacibka kooxda Birmingham City ee Jude Bellingham ayaa sidoo kale ku qiimeysan 50 million.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here