Miralem Pjanic oo ku sii jeeda Chelsea

0
37

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa u aragta bandhigtay Miralem Pjanic bedelka Jorginho haddii uu ka tago, kaasoo uu indhaha la raacayo macallin Sarri, sida ay warinayso Jariiradda Metro.

Miralem Pjanic ayaa laga yaabaa inuu ku sii jeedo Chelsea xagaagan, inkastoo uu heshiis hordhac ah la gaaray Kooxda Barcelona ee ka dhisan dalka Spain.

Xiddiga heerka caalami ee Bosnia and Herzegovina ayaa u muuqda inuu ka tagayo Juventus xagaagan, iyadoo kooxo badan ay xiiseynayaan adeeggiisa.

Barcelona ayaa si xooggan loola xiriirinayay 30-sano jirkaan, waxaana warar soo baxayay ay sheegayeen inuu heshiis la galay kooxda reer Spain.

Si kastaba ha noqotee, sida ay warinayso Jariiradda Metro heshiiskaas ayaa laga yaabaa inuusan noqon mid miro dhal ah, iyadoo Tababare Maurizio Sarri uu miisaamayo fikirka ah inuu u isticmaalo xiddigan khadka dhexe sidii uu Jorginho ugala soo wareegi lahaa kooxda Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here