Koox Weyn oo Reer Yurub Ah oo Shaacisay In Siddeed Qof oo Ciyaaryahanno Ku Jiraan Uu Kaga Dhacay Fayraska Korona

0
36

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Besiktas ee ka dhisan waddanka Turkiga ayaa shaacisay in xanuunka fayraska Korona uu kaga dhacay siddeed xubnood oo ay ku jiraan ciyaartooyo, kuwaas oo baadhitaan lagu sameeyey lagu xaqiijiyey inay bukaano yihiin.

Kooxda reer Turkey oo garoomada ka maqnayd tan iyo March 19 markii uu fayrasku ku faafay qaaradda Yurub ee horyaalka dalkaas la joojiyey si la mid ah dalalka kale, ayaa waxay go’doon ku jirtay muddo laba bilood ah, laakiin waxay hadda shaacisay in ciyaartoygeeda uu soo gaadhay fayrasku.

War-saxaafadeed uu soo saaray dhakhtarka kooxda oo lagu baahiyey website-kooda ayaa waxa lagu sheegay in baadhitaan ay ku sameeyeen dhamaan ciyaartoyda, tababareyaasha iyo shaqaalaha, ayna uga soo baxday natiijo aan wanaagsanayn oo ah in siddeed ka mid ah ay uu xanuunkani ku dhacay.

“Arbacadii, May 13, waxa caabuqa Kofid-19 lagaga baadhay dhamaan ciyaartoydayada, tababareyaasha iyo shaqaalaha xarunta BJK Nevzat Demir, natiijadii soo baxdayna waxay muujisay in caabuqu uu hayo siddeed qof.” Ayaa lagu yidhi war-saxafaadeedka oo intaa ku daray: “Waxay mari doonaan nidaamka daaweynta iyagoo si degdeg ah u bilaabi doona inay raacaan talooyinka ku habboon.”

Besiktas waxay hadda ku jirtaa kaalinta shanaad ee horyaalka waddanka Turkiga ee Sper Lig oo ay siddeed kulan ka hadhsan yihiin, waxaana loo qorsheeyey in dib loo bilaabo bilaha June iyo July.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here