Kooxaha La Ligaha Oo Bilaabaya Marxalad 2-aad Ee Dib U Soo Laabashada Horyaalka La Liga.

0
41

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxaha La Liga ayaa maanta oo jimce ah si Rasmi ah u bilaaban doona marxalada 2-aad ee dib u bilaabista horyaalka La Liga kadib markii loo joojiyay sabab la xidhiidha Xanuunka Korona.

Marxalada 1-aad ayaa ahayd in ay xiddigaha kooxuhu maraan baadhitaan xanuunka Korona ah ka hor inta ayna ku soo laaban tababarka kaliga ah iyaga oo qaadanayay tababar ay aad u kala fogyihiin.

Kadib markii xiddigaha La Liga, iyo waliba tababarayaasha laga waayay xanuunka waxa si Rasmi ah u bilaaban marxalada 2-aad ee tababarka buuxa ee xiddigaha horyaalka La Liga.

Xiddigaha La Liga ayaa maanta bilaaban doona marxalada 2-aad oo ah in mar kale laga baadho xanuunka Korona iyada oo xiddigaha laga baadhi doono xanuunka si ay tababarka buuxa u bilaabaan maalmaha yar ee soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here