Lionel Messi oo Ka Hadlay Wararka Barcelona La Xidhiidhinaya Lautaro Martinez

0
45

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa Barcelona kula taliyay in ay wax walba u sameeyaan sidii ay ula soo saxiixan lahaayeen xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez isaga oo xiddiga ay isku xulka yihiin bar-bar dhigay Luis Suarez.

Barcelona ayaa aad u doonaysa saxiixa xddiga Lautaro Martinez iyada oo la sheegayo in ay ku dhawdahay in ay Inter Milan kala heshiiso saxiixiisa.

Lautaro Martinez ayaa ah bartilmaameedka ugu weyn ee Barcelona suuqa xagaaga waxana ay Barcelona xiddiga u doonaysaa in ay ka dhigto badalka mustaqbalka fog ee Luis Suarez.

Messi oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Hadii aan runta ka hadlo ma garanayo hadii ay kooxdu wadahadalo kula jirto isaga haatan, wax fikrad ah kama haysto”.

“Waxan u malaynayaa in uu Lautaro Martinez yahay weeraryahan cajiib ah sababta oo ah waa xiddig dhamaystiran”.

“Waa xiddig awood leh, farsano fiican leh sidoo kale waxa uu leeyahay gool dhalin fiican”.

“Laakiin waa in aan eegno waxa dhaca Wakhtiga soo socda”.

“Lautaro waxa uu la qaab ciyaareed yahay Luis”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here